Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdixakiim Ashkir ayaa Geneva, Switzerland uga qeybgalay shir gaar ah oo UNHCR soo qabanqaanisay loogana hadleyey isu duwista horumarrada wax looga qabanayo barakacayaasha.
Arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah in xal waara loo helo barakaca, xooggana la saaro in wax laga qabto sababaha keena barakaca oo ay ka mid yihiin Colaadaha iyo isbadalka cimilada, waxaa kale oo looga hadlay in barakacayaasha iyo shucuubta martigelisaba ay la imaan karaan xal waara oo ay bulshadu hoggaamiso laf dhabarna u tahay.
“Soomaaliya waxaa diyaarisay shuruuc wax lagaga qabanayo bararakaca, waxa ayna saxiixday heshiisyo la rajaynayo in ay wax weyn ka taraan duruufaha dadka ku barakaca gudaha dalka oo uu ugu danbeeyey “heshiiska Kambala.
Sidoo kale hay’adda Qaxootiga qaranku ayaa waddda tirakoob rasmi ah si looga ogaado tiradda barakacayaasha Soomaliya, waxaa ayna dib u hawl-galisay Hay’adda Maaraynta. Musiibooyinka†sidaaasi waa khudbaddiisa ku sheegay wasiir Ashkir
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha oo sii hadlayey waxaa uu yiri “ Soomaaliya waxa ay qabtaa in si dhab wax looga qabto sababaha keena barakaca, iyada oo ka duulaysa qorshahaa ayey dowladdu xoogga saartay in ay la timaado qorshe lagu xasilanayo goobaha cadawga laga xoreeyey bilhii ina dhaafay si aanay shacabka deggan uga soo barakicin degaanadooda, Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa daah furtay bishan Qorshaha Xassilinta oo ah mid ballaaranâ€.