Shir madaxeedka aan caadiga aheyn ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah uu ka furmo Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea, waxaana shirkaas ka qeyb galaya wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa oo diirada lagu saarayaa waxa loogu yeero Argagixisanimada iyo isbedelada aan dastuuriga ahayn ee dowladdaha, isla markaana waxaa shirka uu daba socdaa shan afgambi oo Afrika ka dhacay tan iyo 2021.
Kiisaska afgembiyada ayaa waxaa ay sanadkii 2021 ka dhaceen Gobollo iyo dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Angola iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo kuwo kale, iyadoona shir madaxeedka furmaya Maanta uu daba socdo afgambiyadaas.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa socdaal ku gaaray Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea, isla markaana waxaa halkaas uu kulan la qaatay Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo.
Kulanka dhexmaray Guddoomiye Moussa Faki Mahamat iyo Teodoro Obiang Nguema ayaa looga wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya Gobolka iyo furitaanka Shir madaxeedka aan caadiga aheyn ee Midowga Afrika.
Madaxda ka socota dalalka Afrika ee ka qeyb galaya  Shir madaxeedka aan caadiga aheyn ee Midowga Afrika ayaa yeelan doono kulamo kala duwan oo ay uga hadlayaan xoojinta xiriirka dalalka iyo Arrimo kale oo ku aadan xaaladda Gobolka.