Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne,waxaana Socdaalkaan ku wehliyey,Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay ahna isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada George Conway.
Masuuliyiin uu horkacaayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufuroow ayaa garoonka diyaradaha Ugaas Khaliif ku sodhaweeyey wafdigaan,waxaana intaas kadib kulan la qateen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed,
Wafdiga ayaa warbixin laga siiyay xaalada Baladweyne, cabsida ay ka qabaan fatahaado iyo dhibatadii ka dhalatay Qaraxyadii Baladweyne Al-Shabaab ka gaysatay iyo xaaladaha ay wajahayaan barakacyaasha ku nool Baladweyne.
Ujeedka wafdigaan ayaa ah indha-indheenta iyo ukuurgalida xaladaha biniรขโฌโขaadanimo ee gobolka ka jira,u Diyaar garowga digniinaha xalaada El-Niรยฑo taas oo wata Fatahaado iyo daadad culus,waxaana intaas kadib wafdigaan kormeereen Kaamamka barakacyaasha ee ku yaal gudaha magaalada,waxaana mid mid ula kulmeen qoysaska ku nool iyagoo ka xogwareestay xaladooda.
Sidoo kale wafdigaan ayaa waxa ay booqdeen goobaha biyo mareenada ah,iyo goobaha uu ka jilicsanyahay wabbiga markastana ka fataho.