Wadooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran,iyadoona loo diidayo inay isticmaalaan gaadiida dadweynaha ay saaran yihiin iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa lagu arkayaa Waddooyinka iyaga oo taagan,isla markaana diidaya in la maro,waxaana ay u ogal yihiin oo kaliya gaadiidka ay la socdaan Ciidanka iyo Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.
Isgoysyada xiran ayaa ka mid ah kuwa ku teedsan Wadada Maka Al-mukarama sida,Banaadir Soobe, Taleex iyo Wadooyin kale oo muhiim u ah isku socodka gaadiida iyo dadka.
Dadka kunool Magaalada Muqdisho ayaa saakay ah kuwa Cagtooda maalaya,isla markaan howlahooda Shaqo iyo mida Waxbarasho intaba ku tegaya,waxaana lagu arkayaa iyaga oo socdaal ku maraya hareeraha laamiyada Caasimadda.
Ujeedka Waddooyinka loo xiray Maanta ayaa waxaa uu yahay in Magaalada Muqdisho uu ka furmayo markii ugu horeysay Shirka Caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya,kaasi horey loogu qaban jiray dalalka Yurub.
Shirkan ayaa waxaa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah,isla markaana waxaa ka qeyb galaya in ka badan 50 dowladood iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka.