Waxaa maanta xiran waddooyinka iyo garoonka diyaaradda ee Magaalada Muqdisho, iyadoo maanata Muqdisho ay shir ku yeelanaya Madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo รย Kenya, waxaana inta kulanku socdo diiradda lagu saari doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Masiirka ATMIS.
Madaxda Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti iyo Kenya oo loogu yeero dalalka safka hore, marka laga hadlayo dagaalka lagula jiro Alshabab ayuu shirkani gaar u yahay,waxaana inta uu socdo shirkani diiradda lagu saari doonaa dhinacyo dhowr ah oo laga eegayo dagaalka al-Shabaab iyo Howgalka ATMIS.
Shirka maanta waxaa ka horeeyey mid shalay ka dhacay isla magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen wasiiradda gaashaandhigga iyo taliyeyasha ciidamada ee dalalka safka hore.