Waxaa Saaka Muqdisho kasoo degay Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana si weyn u soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Antonio Guterres iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda, kuwaasi oo qayb ka ahaa soodhaweynta Xoghayaha.
Imaantinka Antonio Guterres ee Magaalada Muqdisho ayaa keentay in saaka la xiro waddooyin badan oo muhiim u ahaa isku socodka Bulshada ku dhaqan Caaasimadda.
Waddooyinka waa weyn ayaa lagu arkayaa dad shacab ah oo saaka lugeynaya,waxaana dadka qaar ee lugeynaya ay ka kooban yihiin qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay ka mid yihiin Haween iyo carruur ay ku adagtay Lugeynta xiligaan ah.
Ciidamo aad u farabadan ayaa Xalay lagu soo daadiyay waddooyinka,waxaaana dad weynuhu ay saaka kusoo tooseen waddooyinka oo xiran ayna ka hor taagan yihiin Cidamo horay loogu sii diyaariyay waddooyinka,kuwaasi oo joojinaya Gaadiidka dad weynaha noocyadiisa kala duwan, kana celinaya waddooyinkii horay loo mari jiray.
Ilaa iyo hadda ma cadda inat ay-sii xirnaan karaan waddooyinka muhiimka u ah isku socodka Bulshada Caasimadda, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Antonio Guterres iyo wafdigiisu ay hoyan doonaan, taasi oo ka dhigan in waddooyinkuna ay sii xirnaan doonaan inta ay joogaan wafdigani.
Dadka shacabka ah ayaa waxaa ku adag isticmaalidda lugta, maddaama ay jiraan dad aan awoodin in ay socod galaan,taasi oo ay u sii dheertahay in ay tahay Bil Soonqaad iyo Xilli ay qorraxdu tahay mid aad u kulul.
Horay Hay’adaha ammaanka iyo Masuuliyiinta dowladda ma jirin wax war ah oo sahcabka lagu wargaliyay in la xiri doono waddooyinka, waxaana tani ay lama filaan ku noqtay dad badan shacab ah.
Antonio Guterrs Xog-hahaha guud ee QM ayaa hore u yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2017 kii Waana markii labaad oo uu imaanayo Muqdisho tan iyo markii uu qabtay Xilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.