Waaxda Ammaanka Gudaha ee Maraykanka (D.H.S) ayaa laashay qorshe lagu doonayey in lagu soo masaafuriyo Nin Soomaali oo Hay’adda FBI-da iskaashi kala yeelatay Baaritaanno la xiriira La-dagaalanka Argagixisadda.
Ninkaasi oo lagu magacaabo Saciid Muuse Daahir ayaa waxaa in ka badan 3 bilood lagu hayey Xarunta El Paso Detention Center), iyadoo ay Saraakiisha diideen in lagala xaajoodo Kiiskiisa.
Garyaqaanada u doodaysa Saciid Muuse Daahir oo lagu magacaabo Nancy Oretskin ayaa sheegtay inuu bishan November 3-dii qoraal ka heshay Waaxda Ammaaanka Gudaha Maraykanka oo ay ku wargeliyeen inaan Ninkaasi dib loogu celin doonin Somalia.
Wargeyska BuzzFeed News oo warka shaaciyey waxay xiriir la sameeyeen Afhayeenadda Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka, balse kama aysan wada jawaabin in ka badan 20-codsi oo uu Wargeysku u gudbiyey.
Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka  waxay xilliga ay doonaan go’aamin karaan in ay Ninkaasi ku celiyaan Somalia, iyadoo aan wax wargelin ah la siinin Saciid Muuse Daahir ama Kooxdiisa Garyaqaanadda Sharciga.
Saciid Muuse Daahir oo ahaa Weriye u shaqeyn jirey Radio Galkacayo ayaa waxay dhaawacyo ka soo gaareen Toogasho ay Alshabaab  bishii Janawari ee sannadkii 2012-kii ugu geysteen Bartamaha magaalladda Gaalkacayo.
Labo jeer ayaa la toogtay, waxayna Alshabaab kaga tageen halkaasi, iyagoo u maleeyey inuu geeriyooday, waxaana Weriyahaasi lagu daaweeyey Isbitaalka Gaalkacayo.
Sannadkii 2013-kii ayuu ka soo cararay Somalia, wuxuuna markii dambe tegay Maraykanka oo uu haatan ku nool yahay.
Xigasho: BuzzFeed News
© Radio Dalsan