Xaalada deganaansho ah ayaa Maanta laga dareemaaya deegaano tuulooyin hoostaga deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag halkaas oo ay ku dagaalameen lab Maleeshiyo Beeleed.
Shalay gelinkii hore ayaa deegaan lagu Magacaabo  Ceeryaan ee Koonfuta Magalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag,waxana dahaalkii shalay ku geeriyooday inta la xaqiijiyey saddex ruux oo maleeshiyaadkii dagaalamay ka kala tirsan.
Dadka Tuulada Ceeryaan oo aan Maanta la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in Maanta xoogaa xalad deganaansho ah ay dareemayaan balse aan weli la kala qaadin maleeshiyaadkii dagaalamay.
Dhinaca eegaanka Ceel Afweyn ayaa waxaa ka socda waan waan lagu doonayo in lagu xaliyo dagaalkaas,iyada oo waxgaradka ka soo kala jeeda labada beelood ay deegaankaas ku sugan yihiin,kuwaas oo ka qeyb galay shir Nabadeed dhawaan lagu qabtay.
Dagaalka degaanka Ceel Afweyn iyo tuulooyinka hoostaga ayaa ah mid soo lab laabtey,waxana xalinta beelahaas waxka qaban waayey Maamulak soomaaliland oo deegaan ahaan Maamulka halka lagu dagaalamay.