Ururka Xamaas ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay, in Yaxya Sinwaar oo ahaa madaxii Xamas ee Gaza loo magacaabay hogaamiyaha ugu sarreeya garabka siyaasadda, si uu u beddlo Ismaaciil Haniya oo todobaad ka hor lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran.
Israaรขโฌโขiil ayaa aaminsan inuu yahay ninkii dhisay hawlgalkii daadka Al-Aqsa ee dhacay 7 bishii Oktoobar 7, 2023, kaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid militeriba, isla markaana gilgilay sawirka sirdoonkeeda iyo hayรขโฌโขaddeeda ammaan ee caalamka hortiisa.
Yahya Al-Sinwar waxa uu lahaa waxqabad muuqda illaa ardaynimadiisii intii uu ku guda jiray waxbarashadiisa jaamacadeed, isaga oo xubin firfircoon ka ahaa ururka Islaamiga ah, oo ah garabka ardayda ee ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee Falastiin.
Sinwar waxa uu ku dhashay October 7, 1962 xerada qaxootiga Khan Yuunis ee koonfurta Marinka Qasa qoyskiisu waxa ay ka soo barakaceen magaalada Majdal ee waqooyi bari uga beegan Qasa, kaddib markii ay Israaรขโฌโขiil qabsatay 1948-kii oo ay magaceeda badashay Ashkelon.
Waxbarashadiisa dugsiga sare waxa uu ku qaatay Khan Yunis, ka hor inta uusan ku biirin Jaamacadda Islaamiga ee Qasa oo uu ka qallin-jabiyay shahaadada koowaad ee qeybta barashada Carabiga.