Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya xaqiijinta Soomaali heshiis ah ayaa barri daahfuraya kulan wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo ku saleysan wadatashi iyo is-qancin in looga gudbo xaaalada dalka uu ku jiro.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahad-celinaya madaxdii hore sida ay u soo ajiibtay ka qeyb-galka kulankan ayaa madasha kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dawladda intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.
Madaxweynaha ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa BBC u xaqiijiyay in ka cudurdaartay ka qayb galka shirka, oo uu soo dhaweeyay in uu qabsoomo. Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa ayaa BBC u sheegay sababta uu Farmaajo uga baaqanayo shirka.
รขโฌลMadaxweyne Farmaajo wuxuu ka cudur daartay inuu ka qayb galo maadaama uu ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey leeyahay,รขโฌย ayuu yiri Cabdirashiid. Weli waxaan war laga hayn in madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan uu ka qayb gali doono iyo in kale.