Iyadoo ay Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedka Puntland gelinkii dambe ee shalay Heshiis ku kala saxiixdeen ayaa waxay Madaxtooyadda Somalia shaacisay inay laaleen qoddobo ka mid ah Heshiiskaasi.
Hadal qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa lagu sheegay inay Dowladda Federaalka aqoonsan tahay inuu Heshiiskaasi ku kooban yahay Xalka Nidaamka 4.5 laga gaaray oo keliya.
Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay in qoddobadda kale ee ku xusay Heshiiskaasi looga doodi doono Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka ay bishan 10-keeda ku yeelan doonaan magaalladda Garowe.
Ma cadda tallaabadda ay Maamulka Puntland kaga jawaabi doonaan Go’aanka ay Dowladda Federalka ku laashay inta badan qoddobadda Heshiiskii shalay lagu gaaray Garowe, marka laga reebo Puntland oo oggolaatay  Nidaamka Awood-qeybsiga ee 4.5
©Radio Dalsan