Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dacwad u dirtay Wargayska caanka ah ee (The Globe and Mail), kaasi oo daabacay Warbixin ku aadan in Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya ay ka qeyb ahaayeen dagaalkii Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.
Warbixintaas ayaa waxaa Wargayska The Globe and Mail lagu qoray 20-ka bishii Janaayo ee 2022, waxaana lagu sheegay in Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka qeybta ahaa dagaalkii Tigray ay Gobolkaas ka geysteen xasuuq ba’an.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi, kuna taariikheysan 25-ka bishii la soo dhaafay ayaa Warbaahinta loo soo dusiyey 5 maalmood ka dib, isla maalinkii Warbixinta la daabacay.
Warqada Madaxtooyada oo lagu qoray luuqad adag ayaa lagu beeniyay Warbixinta uu daabacay Wargayska The Globe and Mail ee ku aadan in Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka qeyb qaateen dagaalkii Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, waxaana dowladda sheegtay tillaabo sharci ah ka qaadi doonto Wargayska haddii aanu soo bandhigin xaqiiqda dhabta ah ee ay ku sulaysan tahay warbixintanta been abuurka ah.
“Warbixintiinnu waa mid si cad loogaga been abuurtay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aan marna farogelin arrimo dalal kale†ayaa lagu yiri Qoraalka uu diray Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa).
Sidoo kale Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa waxaa lagu yiri “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faanayaan ciidankeenna geesiyaasha ah oo u taagan difaaca dalka iyo dadkayaga. Marna ma aha kuwo ku xad gudba xuquuqda aadanaha, sida aad warbixintiinna been abuurka ah ku sheegteen.