Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa kasoo horjeestay habraacii doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maalin ay soo saareen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka
War-saxaafadeed kasoo baxay Urrurada Bulshada ayaa waxaa welwel iyo walaac looga muujiyay geedi socodka doorashooyinka oo ay sheegeen inay u muuqato ku xad gudub xuquuqda muwaadinka ku leeyahay ka qeyb galka doorashada.
Ururada Bulshada ayaa tilmaamay in weli aan laga gudbin is aamin daradii ka dhalatay khilaafkii siyaasadeed ee dib u dhaca ku sameeyay doorashooyinka, isla markaana aysan muuqan in Madaxda Wadatashiga Qaran xal u heli karaan, haddii aysan geedi socodka doorashada ka dhigin mid daah furan.
Sidoo kale Ururada Bulshad Rayidka ayaa caddeeyay in habraacii ay soo saareen Golaha Wadatashiga uu meesha ka saaray doorkii bulshada Rayidka ee hubinta xulista Ergooyinka, taasina ay shaki gelineyso in dalka ka dhacaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo.
Waxaa ay duubabka Soomaaliyeed, Odayaasha dhaqanka, Culimada iyo Haweenka ugu baaqeen inay u istaagan sidii looga hortegi lahaa nidaan doorasho oo abuuri kara xasillooni darro, isla markaana gacan ka geystaan sidii dalka uga dhici laheyd doorasho daah-furan.
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa horey u diiday habraacii doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo ay soo saareen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana qodobada qaarkood ku jira kuwo awood dheeraad ah siinaya Madaxda maamul Goboleedyada.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Ururrada Bulshada Rayidka.