Guddiga midowga Afrika ayaa soo magacaabay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo ku xigeenka madaxa ergada, xili horay ay Soomaaliya u cayrisay Simon Malungo oo ahaa ku xigeenkii hore wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo Soomaaliya laga cayriyay kadib markii lagu eedeeyay inuu dambiyo ka geystay dalka.
Haweenayda lasoo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Fiona Lortan, waxaana door ugu muhiimsan ee loosoo maagcaabay uu yaahy in ay door ka qaadato marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya ay hadda ku jirto.
Waxaana Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Danjire Bankole Adeoyeee uu sheegay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xasillooni lagu soo dabbaalo dalka.
Haweenayda lasoo Magacaabay ayaa waxaa ay ku biirtay guddiga Midowga Afrika May 2002 waxayna ka soo shaqeysay doorar kala duwan oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga qaaradda, waxaana magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, iyada oo xubin ka ah guddiga fulinta heerka sare ee Midowga Afrika ee Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.