Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Antonio Guterres ayaa ugu baaqay Beesha Calaamka inay bixiyaan Shan boqol oo Malaayiin Dollar si loogu adeegsado Hawlgal lagu soo celin doono 135,000 oo Qaxooti Somali ah.
Antonio Guterres ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynihii Calaamiga ee shalay ka dhacay magaalladda Brussels ee dalka Belgium ee looga hadlayey Qorshaha cussub ee lagu taageerayo Qaxootiga Soomaalida.
Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay Ergooyin ka kala socatay 40-Dowladood iyo Hay’addo Caaalami ah.
“Beesha Caalamka waxay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay xilligan taageero buuxdo u siin lahaayeen Somalia, si ay Qaxootiga dib u soo laabtaan†ayuu yiri Antonio Guterres.
Waxa uu intaasi ku daray inay UNHCR dejisay Qorshe dib loogu soo celinayo Qaxootiga iskooda u soo laabanayo, iyadoo uu qorshahaasi socon doono ilaa bishan December 2017-ka.
© Radio Dalsan