Qoraalka Toddobaadlaha ee Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qxaootiga (UNHCR) ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay inay bishan 9-dii dib u bilaabeen daad-gureynta Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeradda Dhadhaab ee iskooda u go’aansaday inay ku laabtaan dalkooda hooyo.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in daad-gureyntaasi horey loo hakiyey muddo hal bil ah, kadib, markii ay roobab mahiigaan ah ay waxyeello u geysteen Waddooyinka muhiimka ee W/bari Kenya looga gudbo xuduudka Somalia.
Saddex gaari oo ay la socdeen 265 qof ayaa maalmihii u horreeyey ee bishan June ka soo ambabaxay Xerada Dhadhaab, kuwaasi oo si nabad ah ku soo gaaray gudaha Somalia.
Tiradda guud ee Qaxootiga ku soo laabtay Somalia tan iyo bishii December ee sannadkii hore waxay gaarayaan 2,313 qof.
Qaxootiga waxaa qofkiiba la siiyey lacag caddaan ah oo u dhexeyso 80 ilaa 120 Dollar, iyadoo qaxootiga baahida dheer qaba la siinayo 150-Dollar.
Dhinaca kale, Dowladda Kenya ayaa qorsheynayso in inta uusan dhamaanin sannadkan in 100,000 oo Qaxooti Soomaali ah dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.
Xeradda Qaxootiga ee Dadaab ayaa la sheegay inay haatan ku jiraan 423,244 qof oo Soomaali ah.
© Warqabadka Radio Dalsan