Hadal qoraal oo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ka soo saartay magaalladda Nairobi ayey kaga codsadeen Dowladda Kenya inaan albaabadda loo laabanin Xerooyinkaasi oo ay ku jiraan Kumanaan Qaxooti u kala dhashay Somalia iyo Koonfurta Somalia, kuwaasi oo aan xal loo helin sababihii ay uga soo carareen dalalkooda hooyo.
UNHCR waxaa kaloo ugu baaqday Dowladda Kenya inay dib u eegaan go’aankooda ku aadan in la xiro Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma, isla markaana aysan qaadin Talaabo ka hor imaanaya Xeerarka Caalamka, oo khatar lagu gelinayo Nolosha Qaxootiga.
Qeylo-dhaanta UNHCR ayaa timid, kadib, markii ay Dowladda Kenya Jimcihii ee la soo dhaafay ku dhawaaqeen in ay sida ugu dhaqsaha badan loo xirayo Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma sababo la xiriira dhinaca Ammaanka iyo iyadoo Alshabaab gabaad ka dhigtaan Xerooyinkaas.
Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Dowladda Kenya ku goodiso arrintaasi, iyadoo ay in ka badan 600,000 oo Qaxooti ah ku nool yihiin Dhadhaab iyo Kakuma.
©Radio Dalsan