Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbad ka jeeyay Munaasabaddii Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Uhuru Kenyatta ayaa marka hore sheegay inuu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii bishii lasoo dhaafay ee May lagu doortay Magaalada Muqdisho, kadib doorasho adeg oo dhacday.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa uu tilmaamay inay furayaan xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana waxaa uu Carabka ku dhuftay inuu Madaxweynaha cusub kala shaqayn doono hagaajinta xiriirka labada dalka, sida Ganacsiga.
Sidoo kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa in horumarka Kenya uu ku xiran yahay horumarka Soomaaliya, maadama ay yihiin labada dal oo deris ah.
“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,†ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliye, Xasan Sheekh Maxamuud.
Kenya ayaa kamid aheyd dalal uu xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya uu si weyn u xumaaday intii uu tallada dalka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana dhacday in xitaa la xiro safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.