Xildhibaan Fred Outa oo ka tirsan Barlamaanka Kenya, lagana soo doorto Degmadda Nyando ee Gobalka Rift Valley waxa uu ugu baaqay Dowladda Kenya inay dadka Kenyanka u shaaciyaan Tiradda Askarta Kenya ee lagu dilay Weerarkii Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Askartii Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Xildhibaanka waxa uu tilmaamay inay dadka Kenyanka doonayaan in runta loo sheego, isla markaana Dowladda joojiso tallaabadda ay ku qarinayaan Askartii lagu laayey Ceel-cadde.
Dhinaca kale, Xildhibaan Oburu Odinga ayaa isagana ku eedeeyey Madaxweynaha Kenya inuu ku fashilmay inuu badbadaadiyo Muwaadiniintiisa, wuxuuna ku baaqay in Askarta Kenya laga soo saaro Somalia.
“Barlamaanka Somalia ayaa horey u ansixiyey Moshin ay ku codsadeen in Askarta Kenya laga saaro dalkooda, marka waa maxay sababta uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta uga soo saari la’ yahay Ciiddanka oo aan laga rabin Somalia†ayuu yiri Xildhibaan Iburu Odinga.
Isbahaysiga Mucaaradka ee  Isbedel-doonka iyo Dimuqraadiyadda ee dalka Kenya (Coalition for Reforms and Democracy)  waxay horey ugu baaqeen Dowladda Kenya  in Somalia laga soo daad-gureeyo Ciiddanka Kenya.
Bishii October ee sannadkii 2011-kii ayey Askarta Kenya waxay gudaha u soo galeen Somalia, iyagoo dagaallo xooggan la galay Alshabaab, oo ay kala wareegeen magaalladda Kismaayo iyo Degaanno kale oo ku yaalla Goballadda J/hoose iyo Gedo.
Weerarkii ay Alshabaab bishan Janaayo 15-dii ku qaadeen Askartii Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ayaa ahaa weerarkii ugu cuslaa ee ay Askarta Kenyanka kala kulmeen khasaaro isugu jiray dhimasho, dhaawacyo, burbur qalab Milliteri.
Alshabaab waxay sheegeen inay dileen 100-Askari, isla markaana ay  gacanta ku hayaan Maxaabiis Kenyan ah oo uu ka mid yahay Taliyihii Ciiddankii ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde.
©Radio Dalsan         Â