Xildhibaanadda Isbahaysiga Jubilee ee haya Talada dalkaasi ayaa shalay ku gacan-sayray Qorshe Mooshin uu Senator Mong’are Okong’o ku doonayey in uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta iska casilo xilkaasi.
Senator Mong’are Okong’o ayaa sheegay inay  10-Xildhibaan doonayaan inay Barlamaanka u soo gudbiyaan Mooshinkaasi, si cod loogu qaado Xil-ka-qaadista Madaxweynaha.
Professor Sanator Kithure Kindiki oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ku leh Aqalka Senedka ee Kenya ayaa sheegay inaan loo baahnayn inuu Barlamaanka waqti ku lumiyo Mooshin uu Hal Xildhibaan soo diyaarsaday.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Senator Mong’are Okong’o xaq u leeyahay inuu codsado in Madaxweynaha laga qaado Xilka, balse uusan so obandhigin sababo caqli-gal noqon kara.
Dhinaca kale, Senator Mong’are Okong’o ayaa tilmaamay inay Madaxweyne Uhuru Kenyatta waajib ku tahay inuu qaado mas’uuliyadda dadkii u geeriyooday Shaqo-joojinta Dhakhaatiirta ee maalintii 37-aad ka jirta Kenya.
Senatorkaasi oo laga soo doorto Degmadda Nyamira waxa kale oo uu sheegay in qaar ka mid ah Bukaanadda la il daran Kansarka iyo Cuddurada kale aysan awoodi Karin inay daaweyn u tagaan Isbitaalladda Khaaska loo leeyahay, taasi oo meesha ka saartay Siyaasadda Daryeelka Caafimaadka ee Dadka Kenyanka.
Senator Mong’are Okong’o waxa kale oo uu Mooshinkiisa ku muujiyey in Uhuru Kenyatta oo ah Taliyaha Guud ee Ciiddanka Kenya uu ku fashilmay inuu soo tiro-koobo Askartii Ciiddanka Kenya ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku dileen gudaha dalka Somalia.
Waxaa kaloo lagu eedeeyey Uhuru Kenyatta inuusan Barlamaanka warbixin ka siinin weeraradii ay Alshabaab ka geysteen dhismayaasha laga dukaamaysto ee Westgate ee magaalladda Nairobi  iyo Jaamacadda Garissa.
©Radio Dalsan