Hadal ka soo baxay Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inuu iska horimaadku ka dhacay Ruulladda Wesya ee magaalladda Karaak ee Koonfurta dalkaasi, kadib, markii ay Saraakiisha Ammaanka gudaha u galeen Dhismo ay ku jireen Kooxo Hubeysan.
Labo dabley hubaysan ayaa la qabtay, wuxuuna Hawlgalkaasi dhacay wax yar kadib, markii ay Kooxda Daacish sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Axaddii hore lagu qaaday Dalxiisayaal ku sugnaa mgaalladda Karaak.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Urdun ee PETRA ayaa sheegtay in Xukun Daldalaad ah lagu xukumay Eedeysane  lagu magacaabo Riyaad Ismaaciil, kaasi oo bishii September 25-dii dilay Qoraa Kirishtaan ah oo la oran jirey Naahid Xattar, kaasi oo ku xad-gudbay Diinta Islaamka.
©Radio Dalsan