Ilo dhinaca Taageerayaasha Dowladda dalkaasi ayaa sheegay inay Maleeshiyadda Xuutiyiinta kula dagaalameen magaalladda Shabwa ee Koonfurta dalkaasi.
Waxay sheegeen in iska horimaadkaasi lagu dilay 23 ka tirsan Xuutiyiinta iyo 11 ka tirsan Maleeshiyadda taageersan Dowladda dalkaasi.
Tan iyo bishii hore, waxay Ciiddanka Dowladda wadeen Hawlgal ballaaran oo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan qeybo ka mid ah Koonfurta dalkaasi.
Dhinaca kale, QM ayaa sheegtay in 10,000 oo qof lagu dilay dagaalka 2 sanno jirsaday ee ka socda dalka Yemen., waxaana ku barakacay 2 milyan iyo shan boqol oo kun oo qof.
©Radio Dalsan