Ugu yaraan 11 Tahriibayaal ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen dooni ku degtay Xeebta Koonfureed ee dalkaasi, iyadoo 67 kalena la soo badbaadiyey.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Tunisia ayaa maanta sheegtay in Tahriibayaasha oo isugu jiray kuwo Tuniyaan iyo kuwo kale waxa ay ku si ijeedeen Jesiiradda Sishilis ee dalka Talyaaniga.
Waa doonidii Labaad oo ay Tahriibayaal la socdeen oo la soo weriyey inay maanta wada degeen.
Waaberigii hore ee saakayto, ugu yaraan 9 Tahriibayaal u badnaa carruur ayaaku geeriyooday dooni ku degtay Xeebta Degmadda lo odalxiis tago ee Demre ee Gobalka ANTALYA ee dalka Turkiga.
15 Tahriibayaal ayaa la socotay doonida degtay oo nooceedu ahaa kuwa dheereeya, taasi oo ciollad ku qabsatay Badda dhexdeeda
Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay inay Ciiddanka Badda badbaadiyeen 5 qof, halka mid kale weli la la’ yahay.
Lama shaacinin dalalka ay ka soo jeedaan Tahriibayaasha geeriyootay iyo kuwa la soo badbaadiyey.