Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ay kamid yihiin masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa waxaa si gaar ah ugu jira Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi iyo xubno kale oo heer sare ah.
Diyaarad khaas ah ayaa qaaday Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, iyadoo safarkoodu uu qeyb ka yahay dadaallada xukuumadda ee xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo shacabka gobollada waqooyi, gaar ahaan gobolka Sool oo muddooyinkii dambe ay ka jireen xaalado amni iyo mid siyaasadeed.
Soo dhaweyn ballaaran ayaa ka socota magaalada Laascaanood, halkaas oo kumannaan qof oo isugu jira bulshada rayidka ah, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka iyo maamulka deegaanka ay isugu soo baxeen garoonka diyaaradaha si ay u qaabilaan Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa.
Wararka laga helayo Laascaanood ayaa sheegaya in magaalada lagu xardhay calamo iyo boorar soo dhaweyn ah, halka ammaanka si aad ah loo adkeeyay, waxaana hore u gaaray wafdi horudhac ah oo diyaar garowga iyo abaabulka soo dhaweynta ka shaqeynayay.
Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inuu yahay sidii loo adkeyn lahaa nabadda gobolka, loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda dhexe iyo shacabka deegaanka, iyo sidoo kale sidii xal waara looga gaari lahaa caqabadaha taagan ee la xiriira amniga iyo horumarka deegaanka.
Safarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka ay kor u qaaday dadaallada dhismaha dowladnimada iyo midnimada dalka, iyadoo Laascaanood ay ka mid tahay magaalooyinka istaraatiijiga ah ee muhiimka u ah qaranimada Soomaaliya.