Wasiirka Shaqada ee Dowladda Uganda, ahaana Taliyihii hore ee Ciiddanka Difaaca Uganda, Jeneral Andrew Katumba Wamala ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo lagu soo daabacay Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor, wuxuuna xusay inay socdaan qorshaha ay Ciiddanka Uganda looga soo saari doono Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay inay Soomaalida dib-u-dhistaan Nidaamka Siyaasadda iyo Milliteriga ee dalkooda, wuxuuna ka digay haddaysan sidaasi samaynin Soomaalida inaysan Ciiddanka Hawlgalka AMISOM abidkooda sii joogi doonin Somalia.
“AMISOM waxay qeyb ka yihiin Xalka Somalia, balse iyagu ma aha Xalka. Waxaa loo baahan yhaay inaan jaal la noqono Soomaalida una sheegno inay mas’uuliyadooda tahay Ammaanka dalkooda†ayuu yiri Jeneral Andrew Katumba Wamala oo dhawaan laga qaaday xilka Taliyaha Ciiddanka Uganda ee UPDF.
Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan Aragtiyo ay dadka ku fekerayaan oo ah inuu Hawlgalka AMISOM iyagu badbaadinayo, waxaase loo baahan yahay in loo sheego inuu jiro xad go’an.
Mar wax laga weydiiyey haddii Ciiddanka Uganda laga soo saari doono Hawlgalka AMISOM, waxa uu sheegay inay taasi tahay mid qorshaysan, isagoo dhinaca kale tilmaamay inay tahay Waqti sare inay Soomaalida la wareegaan Ammaankooda.
Dhinaca kale, Taliyihii hore ee Ciiddanka Difaaca Uganda, Jeneral Andrew Katumba Wamala oo 60-jir ayaa beeniyey inuu ahaa Taliye aan awood lahayn, wuxuuna xusay in isaga lagu xusuusan doono Tallaabadii Anshax-marinta Milliteri ee uu ku qaaday Ciiddankii Uganda ee qeybta ka ah AMISOM ee lagu helay Raashinkii iyo Shidaalkii lagu iibsaday Somalia.
Uganda waa dalkii ugu horreeyey ee Ciiddan Nabad-ilaalin ah u soo diray Somalia, waxaana Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari.
©Radio Dalsan