Maxkamadda Heerka Koowaad ee degaanka Masaka ayaa muddo hal bil ah u qabatay Boliska inay soo qabtaan, soona saaraan 13 qof oo lagu eedeynayo inay dileen, isla markaana cuneen haweeney iyo ilmo yar oo ay dhashay.
Waa markii labaad oo ay Maxkamaddu rajeynayso in la soo wada qabto 13-ka qof ee dad-cunka ah, iyadoo la sheegay inay 9 Â ka mid ah dadkaasi ka baxsadeen Tuulladdii ay dadka ku cuneen.
Maxkamadda ayaa waxaa Isniintii hore la hor keenay 9 ka mid ah 13-ka ee lagu eedeynayo inay dileen, kadibna cuneen Haweeney la oran jirey Peace Arinaitwe Kyomukame oo 21-jir iyo iyo ilmaheeda yar oo 9 bilood jir ahayd.
Falkaasi ayaa waxa ui bishii March 23-dii ee sannadkii 2014-kii ka dhacay Tuulladda Kayakirgu ee Degmadda Rakai.
Marxuumadda iyo cunugeeda ayaa waxa la sheegay in ninkeeda hortiisa cadcad loogu jarjaray ninkeeda o olagu magacaabo Deus Bandihihi.
Dhinaca kale, Maxkamadda Sare ee Uganda ayaa la filayaa inay bisha July 1-da dhegeysato Kiiskaasi.
Xigasho:- Saturday Monitor
Waxaa Turjumay:- Ustaad Nuradin Abokor Ahmed