Afhayeenka Boliska Uganda, Michael Odongo ayaa sheegay inay Ciiddamo badan dhigeen xuduudaha laga soo galo ee degmooyinka Busia iyo Malaba ee Bariga Uganda, xilli loo diyaar-garoobayo Dhalashadda sannadka cusub ee 2016-ka ee Taariikhda Miilaadiyadda.
Waxa uu tilmaamay inay ka taxadirayaan weeraro laga cabsi qabo inay Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo beegaan Dabaaldegga sannadka cusub, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Ammaanka iyo Hay’addaha kale ee Ammaanka xoojiyeen Sirdoonka, si ay u ilaaleeyaan deegaan kasta, wuxuuna ugu baaqay Milkiilayaasha goobaha dadku isugu yimaadaan inay hubiyaan Ammaanka.
Alshabaab waxay horey u sheegeen inay weerari doonaan dalalka ay Ciiddanka ka joogaan Somalia, oo ay Uganda ku jirto, waxayna Alshabaab weerar iyo Isqarxin ka geysteen caasimadda dalka Uganda ee Kampala bishii July 11-dii ee sannadkii 2010-kii.
Hawlgalkaasi waxaa ku geeriyooday 74 qof oo daawanayey Ciyaartii Finaalka ee Koobka K/Cagta ee Adduunka ee lagu qabtay dalka Koonfurta Afrika.
©Radio Dalsan                        Â