Nin in muddo ah shaqo ka dhigtay inuu wax ka dhaco Dukaamadda lagu iibiyo Kabaha ee magaalladda New Jersey ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay in dhawaan xabsiga lagu celiyey, kadib, markii uu dhac ka geystay isla Dukaan lagu iibiyo Kabaha, oo uu 15 sanno ka hor ka dhacay kabo.
Tuuga ayaa la sheegay inuu kabahaasi dhacay, iyadoo uu Qasniga Dukaanka ahaa kii joogay markii uu sannado ka hor ka dhacay kabo.
Tuugga oo magaciisa lagu sheegay Christopher Miller ayaa waxaa Jimcihii la soo dhaafay lagu xukumay 16 sanno.
Ninkaasi oo 41-jir waxa uu bilowgii sannadkan beeniyey inuusan gelin dembiga lagu soo oogay ee dhaca.
Xabsigiisa hore ayuu soo dhamaystay bishi iMarch ee sannadkii hore, xabsi 15 sanno ah oo uu ku muteystay dhacii ugu horreeyey ee uu sannadkii 1999-kii ka geystay Dukaanka Kabaha ee uu hadda mar kale ku muteystay xabsi 16 sanno.
Khasnajiga ayaa aqoonsaday Tuugga mar kale wax ka dhacay.
© Warqabadka Dalsan Radio