Muqdisho, Maarso 18, 2025 – Dowladda Turkiga ayaa markale muujisay taageerada xoogan ee ay siiso Soomaaliya, kaddib markii ay Muqdisho keentay agab militari casri ah oo aan horay loogu arag dalka. Diyaarad sidda agabkan casriga ah ayaa goor-dhaweyd soo cago dhigatay garoonka Aadan Cadde, iyadoo la filayo in si degdeg ah loogu isticmaalo howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Diyaaradda lasoo dajiyay waxaa ka mid ah Bayraktar AKINCI, oo ah diyaarad aan duuliye lahayn (UAV) kana mid ah kuwa ugu casrisan ee xilligan dagaalka loo adeegsado. Bayraktar AKINCI waa nooc ka mid ah diyaaradaha drone-ka ee wax duqeeya, waxaana lagu tilmaamaa mid ka awood badan Bayraktar TB2 oo horey ay Soomaaliya uga faa’iidaysatay.
Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ciidanka xoogga dalka ayaa garoonka kusoo dhaweeyay diyaaradahaan iyo agabka la socda, iyagoo sheegay in deeqdan ay sare u qaadi doonto awoodda difaaca dalka.
Turkiga ayaa diyaaradahan ugu talagalay in loo adeegsado howlgalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab, waxaana la filayaa in maalmaha soo aaddan ay si toos ah uga qeyb qaataan duqeymo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada iyo xarumaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.
Bayraktar AKINCI oo ah mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee ugu awoodda badan caalamka, ayaa la sheegay inay wax ka fulin karto cimilo kasta, iyadoo xambaarsan gantaallo aad u culus oo afar jeer ka waxyeello badan kuwa ay adeegsadaan diyaaradaha drone-ka ee caadiga ah.
Khubarada militari ayaa sheegaya in diyaaraddaan ay beddeli karto istiraatiijiyadda dagaalka, maadaama ay leedahay awood ay ku beegsato bartilmaameedyo fog fog iyada oo aan la dareemin.
Dhinaca kale, Wasiirkii Gaashaandhigga ee xilka laga qaaday, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa facebook) soo dhigay uga mahadceliyay Turkiga deeqdan militari. Wuxuu sheegay in Turkiga uu markale muujiyay inuu yahay saaxiib dhab ah oo Soomaaliya garab taagan xilliyada adag.
“Walaalka runta ah maalinta dhibaatada ku heyso ayaa la gartaa. Sidii caadada ahayd Türkiye mar kale maanta waxay gurmad aan noociisa horey loo arag la soo gaartey Shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jiro Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiirkii hore.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay xoojisay iskaashiga ay la leedahay Turkiga, gaar ahaan dhanka amniga iyo tababarka ciidamada. Deeqdan cusub ayaa lagu wadaa inay xoojiso howlgalada ka dhanka ah argagixisada, iyadoo muujinaysa sida Turkiga uu u garab taagan yahay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilloonida iyo nabadda dalka.
Dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa qaba in diyaaradaha Bayraktar AKINCI ay wax weyn ka beddeli doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyagoo tilmaamay in duqeymaha laga fuliyo hawada sare ay si weyn u xaddidi karaan dhaqdhaqaaqa kooxdaas. Waxaa la sugayaa in maalmaha soo socda si toos ah loo arko saamaynta ay diyaaradahaan ku yeelan doonaan dagaalka ka socda gobollada dalka.