Ciiddanka Jendemariiga (Gendarmes) ee dalka  Turkiga waxay gacanta ku dhigeen 116 Shisheeye, kuwaasi oo u diyaar garoobayey Tahriib sharci-darro.
Shisheeyahaasi ayaa waxaa lagu soo qabtay Hawlgal lagu baarayey Muhaajiriinta sharci-darradda ee ku sugan Gobalka Izmir ee Galbeedka dalkaasi.
Kooxo ka tirsan Ciiddanka Jendemariiga iyo kuwa La-dagaalanka Tahriibinta waxay hawlgalkaasi ka fuliyeen Degmooyinka Bornova, Dikili iyo Urla.
Wargeyska Sabah Daily ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa sheegay in Hawlgalkaasi lagu so oqabtay 116 Tahriibayaal shisheeye, kuwaasi oo kala ah: 89 u dhalatay Syria, 25 Afganistan iyo 2 u dhalatay Somalia.
Sidoo kale, 6 u dhalatay Turkiga oo Mukhalasiin ahaa ayaa la qabtay, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay dadkaasi u tahriibin lahaayeen Jesiirado ku yaalla dalka Giriigga, si ay ugu sii gudbaan dalalka kale ee Galbeedka Yurub.
Xigasho: dailysabah.com
©Radio Dalsan