Isoo bax ka dhacay Pennsylvania oo qabtay Donald Trump, ayuu halkaas waxa uu sheegay in beesha caalamku ay ka cabsan jirtay oo ay ixtiraami jirtay hoggaamintiisa markii uu xukunka hayay intii u dhaxaysay 2017 iyo 2021.
Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday colaadaha ka jira Yurub iyo Bariga Dhexe, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la soo afjaro dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, haddii la doorto 5-ta Novemberna ay taasi dhici doono.
Isaga oo Dhaleeceynayay Kamala Harris iyo maamulka Biden ee xilka haya, Trump wuxuu ku eedeeyay Dimuqraadiyiinta inay u ogolaadeen “dambiilayaal dhiigg u ooman” oo ka yimid dalal kale inay soo galaan Mareykanka.
Isaga oo ku celinayay hadalkiisa hore ee ka dhanka ahaa soo galootiga ayuu Trump sheegay in haddii la doorto uu “kuwa badan oo oo iyaga ka mid ah [soogalootiga] in uu si degdeg ah uga saari doono dalka, isaga oo u sababeeyay in aysan ammaan ahayn”.