Ugu yaraan 17 qof oo ay ku jiraan Saraakiil Bolis ayaa ku dhaawacmay qarax xalay ka dhacay magaalladda Loos Anjalis ee Gobalka Kaliforniya ee dalkaasi.
Hadal ka soo baxay Waaxda Dab-damiska ayaa lagu sheegay inuu qaraxaas dhacay, xilli ay Boliska doonayeen inay burburiyaan Baaruudda ama rash sharci-daro ah uu cukayskooda dhamaa in ka badan 5,000 oo Rodol ama Bownd ee waxyaabaha qarax ah.
Qaraxa kadib, waxay Boliska qabteen Nin lag magacaabo Arturo Kejas oo 27-jir ah, kaasi oo gurigiisa laga helay qaraxyadaasi.
Dhiinaca kale, Dadka ku dhaawacmay Qaraxaasi waxaa ka mid ahaa 9 Askari iyo 6 qof oo Rayid ah.