Ururka Midowga Afrika ee AU waxay ka codsadeen Dowladda Burundi oo ay Ciiddamadda 2-aad ee ugu badan Ciiddanka AMISOM inay 1,000 Askari kala baxaan Somalia.
Ciiddankaasi ayaa la sheegay inay dalkooda dib ugu laaban doonaan dabayaaqadda bisha Feberaayo ee sannadka soo socda, wuxuuna qorshahaasi qeyb ka yahay Barnaamijka dhimista Ciiddanka AMISOM.
Wakaalladda Wararka AFP oo aragtay Qoraalka Codsigaasi ayaa sheegtay in Go’aankaasi lagu gaaray Kulankii u dambeeyey ee Guddiga Isku-xirka Hawlgalladda Milliteri ee AMISOM bishii November 30-dii ku yeesheen Xarunta Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ee magaalladda Addis Abeba.
Go’aankaasi ayaa lagu saleeyey go’aankii Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigiisu ahaa 231, kaasi oo lagu dhimayo tiradda Guud ee Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika (PSC) waxay QM ka codsadeen in gacan laga siiyo qorshaha lagu dada-gureyn doono Ciiddanka Brundi ee la filayo in bisha Feberaayo 28-da dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Haatan, 5,400 Askari Burundian ah ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, waxaana Ciiddanka 2-aad ee ugu badan Askarta AMISOM, marka laga reebo dalka Uganda oo ay 6,200 Askari ka joogaan Somalia.
Bishii july 30-dii ee sannadkan, Golaha Ammaanka ee QM waxay muddo 4 bilood ah dib u dhigeen qorshahoodii lagu dhimi lahaa 1,000 Askari oo ka tirsan Ciiddanka AMISOM, si tirada Hawlgalkaasi lagu soo koobo 20,000 oo Askari.