Waxaa soo dhammaatay coddeynta wareega koowaad ee doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka socota Teendhada Afisyooni , taasi oo ay dhiibanayeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
In ka badan 30 Musharax oo ay ku jiraan Farmaajo, Madaxdii hore ee dalka iyo Musharaxiin kale ayaa ku tartamaya doorashada Madaxweynaha ee socota, waxaana haatan loo yeeray Wakiilada Musharaxiinta ee u qabanaya Warqadaha Coddeynta.
Xildhibaanada ayaa dhiibtay codadkooda wareega koowaad ee doorashada, iyadoona la guda galay tirinta codadka doorashada Madaxweynaha oo ka socota Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde