Tiradda Guud ee Xujeyda ee bishii hore ku geeriyootay Is-buurashadii bishii hore ee September ka dhacday meel ku dhow magaalladda Barakaysan ee Maka Almukarama ee dalka Sacuudiga ayaa la sheegay inay sare u kacday oo ay gaareen ugu yaraan 1,753 Xaaji.
Dowladda Sacuudiga waxay horey u sheegtay inay tiradda Xujeyda geeriyootay dhan tahay 769 Xaaji.
Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP oo Xooraansi dheer u gaashay Ogaanshaha Tiradda Dhabta ee Xujeyda geeriyootay ayaa waxaa loo sheegay inay tiradda guud dhan tahay ugu yaraan 1,753 Xaaji.
AFP waxay soo baandhigtay Shaxda Tiradda Dalalka ay ka soo jeedaan Xujeyda ku geeriyootay Isbuurashadaasi, waxayna kala yihiin sidatan:-
Iran: 464 qof, Masar: 182 qof, Nigeria: 145 qof, Indonesia: 129 qof, India: 101 qof, Pakistan: 87 qof, Bangladesh: 79 qof, Cameroon: 76 qof, Niger: 72 qof, Senegal: 61 qof, Mali: 60 qof, Chad: 52 qof,Benin: 34 qof, Morocco: 36 qof, Ethiopia: 31 qof, Sudan: 30 qof, Algeria: 28 qof,Burkina Faso: 22 qof, Ivory Coast: 14 qof, Libya: 10 qof, Somalia: 8 qof, Tunisia: 7 qof, Kenya: 6 qof,, Ghana: 5 qof, Murushiyoos: 5 qof,, Tanzania: 4 qof, Burundi: 1 qof, Iraq: 1 qof, Jordan: 1 qof, Holland : 1 qof, Cumman: 1 qof.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka ee AFP oo soo xigatay Saraakiil ka kala socotay in ka badan 30 Dowladooda ayaa sheegTay inay geerida Xujeyda ee sannadkan ka badan tahay Xujeydii ku geeriyootay Isbuurashaddii bishii July ee sannadkii 1990-kii ka dhacday Xajka oo ay ku geeriyoodeen 1,426 Xaaji.
© Radio Dalsan.
Xigasho: AFP