In ka badan 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayey ayaga oo isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub illaa hadda sanadkan 2023, waxaa sidaas Khamiistii sheegtay hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR.
“Illaa September 24, waxaa la tiriyey in in ka badan 2,500 ay dhinteen ama la la’yahay 2023 kaliya,†waxaa sidaas Golaha Ammaanka u sheegtay Ruven Menikdiwela, agaasimaha xafiiska UNHCR ee New York.
Tiradan ayaa dhigan koror weyn oo ku yimid tiradii 1,680 ee dhintay ama la waayey muddadan oo kale ee sannadkii 2022.
Socdaalka dhulka ee waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, halkaas oo qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ay ka soo jeedaan, illaa xeebaha laga baxo ee Tunisia iyo Libya “ayaa weli ah mid ka mid ah kuwa ugu khatarta badan caalamka,” ayey tiri Menikdiwela.
Guud ahaan, illaa 186,000 oo qof ayaa badda kasoo galay Koonfurta Yurub, Janaayo ilaa Sebtembar 24, kuwaas oo ka degay dalalka Italy, Greece, Spain, Qubrus iyo Malta.
Badankood, oo ah 130,000 oo qof, ayaa yimid Talyaaniga, taasi oo ka dhigan koror 83 boqolkiiba ah marka la barbar dhigo isla muddadan oo kale ee 2022.