Ra’isul-wasaarada Britain, Theresa May ayaa maanta sheegtay inaysan ka cabsan doonin inay Donald Trump u sheegto haddii ay ku aragto wax aan la oggolaan karin.
Theresa May iyo Donald Trump ayaa la filayaa inay Jimcaha soo socda Kulan ku yeeshaan Aqalka Cad ee magaalladda Washington.
Theresa May oo ah Ra’isul-wasaarihii Labaad oo qumr ah ayaa hadalkaasi sheegtay, kadib, markii ay Kumanaan Haween shalay dibadbax socod leh ka dhigeen  London, kaasi oo qeyb ka ahaa Dibadbaxyadda ay Haweenka ka dhigeen inta badan dalalka Europe, Asia, Afrika iyo Latin America.
“Waxaan horey u sheegay in qaar ka mid ah hadaladda Donald Trump ka shegay xiriirkiisa haweenka yihiin kuwo aan la aqbali karin†ayey tiri Theresa May oo la hadashay BBC-da.
Waxayna intaasi ku dartay marka ay la fariisato Trump inay u malaynayso inay kala hadli doonto arrimaha la xiriira Doorka Haweenka, oo ay xustay in ay xaqiiqo tahay waxa ay ku noqotay Ra’isul-wasaare tahay kaalinta Haweenimo.
Dhinaca kale, boqolaal kun oo qof ayaa shalay buux dhaafiyey caasimadda dalka Maraykanka ee Washington, iyadoo dhigay dibadbax ka ddhan Madaxweyne Donald Trump hal maalin kadib markii uu xilka qabtay.
Haween iyo rag da’ kasta leh ayaana qabsdaay Waddooyinka Washingon DC, wuxuuna dibadbaxooda ku salaysnaa Xuquuqda Haweenka, Taranka iyo Socdaalka.
Dibadbaxayaasha waxay wateen Boorar ay ku qoran yihiin Hal-ku-dhegyo ay ka mid haayeen: “Xuquuda Haweenka waa Xuquuqda Dadkaâ€, Jebi Derbiyada, oo ha dhisin Derbiyoâ€.
Sophie Walker oo madax ka ah Xibsiga Sinnaanta Haweenka ayaa u sheegtay Aljazeera inay Dibadbaxyaasha isugu yimaadeen si ay u muujiyaan Midnimo.
Waxay intaasi ku dartay inay ka soo hor jeedaan Nacayb iyo Kal-qeybinta oo ay xustay inuu Donald Trump ka dhiganayo Siyaasad.
In ka badan 500,000 o oqof ayaa qabsaday Waddooyinka magaalladda Los Anmgeles, sida ay sheegeen Boliska halkaasi joogay,
Tiro la mid ah taasi ayaa waxay iyagana isugu soo urureen New York, halka kuwo kalena ka dhigeen Dibadaxyo magaallooyinka Chicago, Dallas, San Francisco, Denver, St Louis iyo meelo kale.
Halkan ka akhriso  tirada Dibadbaxayaasha ka qeyb galay Dibadbixii shalay ka dhacay  magaallooyinka Maraykanka.
Washington DC: 500,000
LA: 200,000-750,000
New York: 200,000-500,000
Chicago: 250,000
Boston: 250,000
Denver: 200,000
Oakland: 60,000
Madison: 100,000
Atlanta: 60,000
St. Paul: 60,000
Philadelphia: 50,000
Pittsburgh: 20,000
Nashville: 20,000
©Radio Dalsan