Tartanka kubadda Kolayga 3×3 oo maanta marki ugu horeysay ka furmay garoonka Wiish ee Magaalada Muqdisho, Munaasabda furitaanka waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka soctay wasaaraddda dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga olombikada Soomaaliyeed, Madaxda Shirkada StarSom oo tartankan maal gelinaysa iyo msauuliyiin XSKK ah.
Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Kusimaha Xoghayaha XSKK Cabdi cabdulle Baasaale waxuuna sheegay in tartankan uu yahay bilow isla markana ay ka qayb gali doonaan 8 koox oo isu jira 5 heerka koowaad ah iyo 3 ciyaartoydi cuslaatay ah si ay uga faa’iidaystaan ciyaartoyda da’yarta waxuuna sheegay in sanadkan ay tartankan maal gelinayso shirkada Duulimaadka Starsom,
Madaxa Shirka Starsom Treveling Axmed Daahir oo isna goobta ka hadlay aya sheegay in maamulkiisa ay go’aansadaeen in ay ka qayb qaataan sare u qaadida isboortiga gaar ahaan kubadda kolayga, waxuu intaa ku daray in tartankan ay si joogta ah u maal gelin doonaan isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan tartamada kale eee isboortiga si isboortiga soomaaliyeed horumar u sameeyo.
Ugu Dambayn waxaa halkas ka hadlay oo tartankan furay Agaasimaha waaxda Isboortiga ee wasaaradda dhalinyarda iyo isboortiga Cabdullahi Aaboow Xuseen, waxuuna sheegay in wasaaradu ay  soo dhawaynayso dadaalada xiriirka kubadad kolayga ay kujiraan.
Agaasimaha ayaa dhanka kale u mahad celiyay shirkada Starsom oo tartankan maal gelinaysa waxuuna shirkadaha kale ee dhaqaalaha haysta ugui baaqay  in ay ka qayb qaataan horumarka isboortiga dalka maal gelina kusameeyaan qaybaha kale gedisan ee isboortiga si isboortiga Soomaaliyeed uu u horumar gaaro.
Tartankan oo ay ka qayb galayaan 8 koox oo laga Group loo qaybiyay waxaa kulanki ugu horeeyay wada yeeshay kooxaha Dekedda iyo Plasma waxaana 11-6 ku adkaatay Dekedda.
Ciyaarahan oo ay koox waliba u ciyaarayaan 3 ciyaaryahan ayaa ah marki ugu horeysay  ee Soomaaliya laga ciyaaro iyadoo  xiriirka kubada Kolayga Aduunka (FIBA) ay dhaqan geliyay 2012.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: [email protected]