Tartan Isboorti oo lagu maamuusayay Maalinta Nabadda Aduunka oo ay soo qaban qaabisay Hey’ada Wacyigalinta Bulshada CCA ayaa lagu qabtay Xarunta G/shabelaha Dhexe ee Jowhar.
Todobaadkan waxaa Xarunta Gobolka Sh/Dhexe ee Jowhar ka soconayay tartan lagu maamuusayey Todobaadka Nabadda kaas oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo kooxaha ka dhisan Degmada Jowhar.
Intii uu tartanka soconayay ayaa waxaa u soo daawasho tagi jiray dhamaan qeybaha bulshada ku was oo si xiiso badan taageero ugu kala ahaa kooxaha ku baratamayay garoonka ee ka kala socday xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Jowhar.
Xaflad weyn oo lagu maamuusayay 21-September Maalinta loo asqeeyay Nabada Aduunka oo sanad waliba laga xuso aduunka oo idil.
Gaba gabadii kulan ciyaareedka ayaa waxaa goobta ka hadlay Mas’uuliyiintii kazoo qeyb galay oo ka socday Maamulka heer Gobol , Kan degmada iyo qeybaha Bulshada oo ay ugu horeeyeen dhalinyarada iyo gidiyada isboortiga.
Ugu horeen waxaa ka hadlay Maxamed Ibrahim Cali (Cajiib) Gudoomiyaha hay’adda wacyi gelinta bulshada ee CCA waxa uuna sheeegay in  hay’adda ay tahay mid dhiirigelin u sameyso had iyo jeer bulshada oo ay dhalinyaradda ugu horeeyaan taasi oo uu sheegay iney wax badan oo horumarin ah ay la garab taagan yihiin dhalinyarada soomaaliyeed ee dalka iyo dibaddaba ku nool waxa uuna xusay in Magaalada Jowhar ay tahay Magaaladda ugu nabdoon dalka isagoo xaqiijiyey in dhalinayarada Jowhar ay yihiin kuwa Nabadda u heelan CCA-na ay u qaban doonto barnaamijyo kale oo dhiiri gelin ah.
Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka hadlay duqa Magaalada  Jowhar Saalax Muudeey waxa uu amaanay hay’adda CCA ee gobolka sh/dhexe ka hirgelisay mashaariic kala duwan oo dadka gobolka ay soo dhaweeyeen, Duqa jowhar ayaa ku tilmaamay kulamadii isboorti ee nabadda lagu maamuusayey mid bulshada ay jecleysteen kana codsaday hay’adda iney sii kordhiyaan talabada noocaasi oo kale.
Munaasabbada oo lagu bixiyey koobab iyo hadiyadda qaali ah ayaa waxaa khudbad dareen leh ka jeediyey halkaasi gudoomiye ku xigeenka arimaha amniga iyo siyaadda gobolka sh/dhexe ahna kusimaha gudoomiyaha gobolkaasi mudane Axmed Mayre Makaraan oo qiray in hayadda CCA ay wax weyn ka geysatay is dhexgalka bulshada gobolka ayna weli u taagan tahay iney sii hormariso bulshada.
Mudanaha ayaa tilmaamay in laga gudbay hanaankii qabiilka iyo fikradaha xumaha tilmaama haatana ay u istaagaan wanaaga iyo nabbada gobolka.
Kooxda Elman ayaana ku guuleysatay koobkii nabbda ee soo qaban qaabisay hayadda CCA ee wacyigelinta bulshada iyo arimaha dhalinyaradda.
Maaha markii ugu horeesay ee CCA ay qabato barnaamijyo horseedaya nabad iyo is dhexgal bulsha .