Carwadda ka socota magaalladda Milan ee dalka Talyaaniga waxaa lagu soo bandhigay Pizza-ha ugu dheer Caalamka.
Kumanaan kun oo qof ayaa u soo daawasho tegay Carwadda Milan’s 2015 Expo.
Garsoore ka socday Diiwaan-gelinta Waxyaabaha La-yaabka Calaamka ee Guinness World Records, ayaa loo gacan geliyey Pizza-ha, si loogu daro Waxyaabaha Mar-la-aragga ee Caalamka ku soo kordha.
Pizzah-ha ayaa waxa uU dhererkeedu dhamaa1,594.45 meters oo u dhiganta 5,234 cagood.
Pizza-haasi ayaa la sheegay in laga farsameeyey 1.500 Kiilo oo Tamaandho (Yaanyo) iyo hal tan barkiisa oo bur ah iyo saliidda nooca Olive Oil.
Samaynta Pizza-haasi waxaa iska kaashaday 80 qof oo caan ku ah Pissa-ha, kuwaasi oo laga kala keenay guud ahaan dalka Talyaaniga.
Waxaa la sheegay inay Cunto-kariyaasha ku qaadatay saddex daqiiqo inay sameeyaan hal mitir oo Pizza ah.
Waxaa Pizza-ha la dul-saaray 800 oo miis, ka hor intysan dadkii isugu yimid Carwadda Milan’s 2015 Expo. lagu casuumin inay magacyadooda ku saxiixaan  Pizza-ha ugu dheer Caalamka.
Pizza-ha lagu soo bandhigay Carwadda Milan Milan’s 2015 Expo ayaa la sheegay inay kaalinta koowaad kala wareegtay dalka Spain oo horey loogu sameeyey pizza dhererkeedu dhamaa 1,141.5 meter.
Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed