Madaxweyne Uhurru Kenyatta ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Ciiddanka KDF, Jeneral Julius Waweru Karangi, waxaana lagu beddelay waxa lagu beddelay Jeneral Samson Mweathethe
Taliyaha xilka laga qaaday ayaa ahaa Taliyihii amray in ay Ciiddanka Kenya gudaha u soo galaan Somalia bishii October ee sannadkii 2011-kii.
Taliyahaasi ayaa mucaarado xooggan kala kulmay dadka Kenya, kadib, markii ay Alshabaab muddo dhowr maalmood ka dhex dagaalamayeen Dhismaha Ganacsiga ee Westgate Mall bishii September ee sannadkii 2013-kii.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama waxa uu sannadkii hore Billad Geesinimo guddoonsiiyey Jeneral Julius Waweru Karangi, oo ay Ciiddankiisa ku guuleysteen inay Dagaalamayaasha Alshabaab ka saaraan magaalladda Xeebta leh ee Kismaayo bishii September 28-dii ee sannadkii 2012-ka.