Ciidanka Kumandooska Xoogga Dalka Somaliyeed ee Danab Oo ay wehliyaan Maamulka deganka wargaadhi Ee gobolka shabelada dhexe Ayaa u kuur galay Xaalada Nololeed Ee ka jirta Guud ahan Degaanka iyo Deegnada hoos yimaada.
Taliyaha Horinta gawarida gashaman ee Guutada 16’Aad ee Kumaandooska Danab XDS iyo Gudoomiyaha Arimaha bulshada Deganka wargaadhi Ee Gobolka Shabeelaha dhexe iyo xubno kale ayaa si wadajir Ah u booqdey Goobaha wax barashada iyo caafimaadka iyo celasha biyaha laga cabo oo ay dhibato ku qaban shacabka ku dhaqan deganka wargaadhi.
Taliyeyaasha iyo masuuliyiinta kale ee degaanka ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay bulshada degaanka, waxaana si gaar ah ay u booqdeen goobo waxbarasho oo ku yaalla degaankaasi.
Dadka degaanka ayay ugu baaqeen inay nabadda ka qayb-qaataan sidoo kalena waxaa inatasi ay ku dareen masuuliyiintu in degaankaasi iyo tuulooyinka hoos yimaada ay ka billaabi doonaan howgallo ammaan xaqiijin ah.