Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo maanta kulan la qaatay dhammaan Taliyeyaasha Ciidamada iyo Saraakiisha Booliska dowladda, kaasi oo looga hadlay amniga doorashooyinka.
Kulanka Taliye Xijaar iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa sugida amiga wejiga labaad ee doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka 11-aad oo maalmaha soo socda ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.
Taliye Xijaar oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in si amni ah ugu soo dhammaatay doorashooyinkii ka qabsoomay Muqdisho iyo Munaasabaddii lagu dhaarinayey Xildhibaanada cusub Baarlamaanka oo 14-kii April qabsoontay.
Wuxuu Jeneraal Xijaar faray Taliyeyaasha iyo Ciidanka Booliska inay u diyaar garoobaan sugida amniga wejiga labaad ee doorashooyinka gaar ahaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka, isla markaana ay sii laba jibaaran shaqooyinka la xiriira sugida amniga Caasimadda.
Sidoo kale Taliyaha ayaa dalbaday Ciidamada Booliska inay feejignaan dheeraad ah ka muujiyaan falalka amni darro ee xiliyada qaarkood ka dhaca Magaalada, maadaama laguda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan, isagoona Ciidamada uga mahadceliyay shaqada adeg oo ay hayaan.