Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus oo ku bilowday qaraxyo waaweyn iyo dagaal fool-ka-fool ah ku qaaday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo ay muddo kadib si buuxda ula wareegeen.
Weerarka oo dhacay maalmo kahor ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan, kuna dhacay labada dhinac ee dagaalka – ciidanka dowladda iyo kooxda Al-Shabaab. Waxaa la xaqiijiyay in weerarkaasi uu sababay geerida taliyeyaal iyo askar, halka kuwo kalena la la’yahay ama dhaawacyo halis ah ay soo gaareen.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda ee ku naf waayay dagaalkaasi adag ayaa ahaa Taliyihii Ururka 87-aad ee Guutada 77-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Ismaaciil Ciise Maxamuud Tuuryare, oo loo yaqiinay (Taliye Tuuryare). Wararka ayaa sheegayay in saacado badan kaddib weerarka aan la ogeyn xaaladdiisa nololeed, hase yeeshee ugu dambeyn waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dagaalkaasi.
Ehelada sarkaalka geeriyooday ayaa si murugo leh u xaqiijiyay in taliye Tuuryare uu si geesinimo leh ula dagaalamay kooxda weerarka kusoo qaaday Aadan Yabaal, iyaga oo sheegay in uu la dagaalamayay ilaa intii ugu dambeysay ee noloshiisa. Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Mahad-Ale (Ibraahim Dheere), ayaa isna qoraal baraha bulshada kusoo dhigay si rasmi ah ugu xaqiijiyay geerida taliyaha.
Qoraalka Guddoomiye Ibraahim Dheere waxaa ka mid ahaa:
“Taliye Ismaaciil Tuuryare wuxuu ahaa sarkaal geesi ah, wadani ah, oo u dhintay isagoo rasaasta ugu dambeysa ku ridaya cadowga. Ilaahay ha u naxariisto isaga iyo askartii la shahiiday.”
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidankii uu hogaaminayay taliyaha ay u dhaxeyn tiradooda 750 ilaa 800 askari, badankoodna kasoo jeedaan beesha Murusade ee uu taliyuhu ka dhashay. Waxa uu tilmaamay in howlgalka ay ku jireen uu ahaa qorshe ballaaran oo lagu xoreynayo degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo guud ahaan deegaannada ku hareeraysan, iyadoo marka hore lagu talo jiray in Al-Shabaab laga sifeeyo gobolka Shabeellaha Dhexe.
Inkasta oo warar hore ay sheegayeen in Al-Shabaab ay nolol ku qabteen taliyaha iyo qaar kamid ah ciidankiisa, haddana ilaa hadda ma jirto caddayn rasmi ah oo ay kooxda kasoo saartay sheegashadaasi – mana aysan baahin muuqaal ama sawir caddaynaya in ay gacanta ku hayaan ama dilkaasi ay iyagu fuliyeen.
Guddoomiye Ibraahim Dheere waxa uu hadalkiisa ku muujiyay murugo iyo hanjabaad siyaasi ah oo la xiriirta in aysan jirin awood la diidi karo marka ay timaado difaaca dalka iyo dhiigga ciidanka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan ka leexan doonin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, inkasta oo khasaaraha uu aad u culus yahay.
“Dhiigga wiilasha lagu dilay Aadan Yabaal biyo ma aha, xisaab ayuu leeyahay,” ayuu yiri Ibraahim Dheere, isaga oo ka digay in shacabka Soomaaliyeed laga helo garab istaag dhab ah marka dagaalada lagu hoobto ay dhacaan.
Weerarkii Aadan Yabaal wuxuu noqday mid dib u muujiyay halista weli ku wareegsan amniga guud ee dalka, wuxuuna banaanka soo dhigay sida kooxaha xagjirka ah ay wali u abaabulan yihiin. Geerida Taliye Tuuryare ayaa astaan u noqotay halganka adag ee ay ciidamada dowladda u hayaan sidii dalka looga sifeyn lahaa cadowga gudaha.
Dowladda ayaa la filayaa inay qaado tallaabooyin milatari iyo siyaasadeed oo ka dhashay dhacdadan, iyadoo shacabka Soomaaliyeedna laga doonayo feejignaan iyo garab istaag joogto ah.