Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Uganda ayaa lagu sheegay in Isbedel lagu sameeyey Taliska Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Taliyihii Qeybta 5-aad ee Ciiddanka Uganda ee ku sugnaa Waqooyiga dalkaasi, Sarreeye Guuto Michael Kabango ayaa la sheegay in loo soo magacaabay inuu Taliye u noqdo Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Taliyaha Cusub waxa uu beddeli doonaa Taliyahii Ciiddankaasi, Sarreeye Guuto Paul Lokech, kaasi oo isaga sannadkii hore xilkaasi kala wareegay Taliyihii ka sii horreeyey oo lagu magacaabo Muhanga Kayanja.
Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire oo la hadlay Warbaahinta dalkiisa waxa uu xaqiijiyey Isbedelkaasi iyo Taliyaha Cusub ee loo magacaabay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Waxa uu sheegay in Taliyaha cusub, Michael Kabango xilkaasi loo magacaabay bisahan, wuxuuna xusay inuu yahay Askari Khibrad leh, kuna dheer tahay Waddaniyadda Afrikaanismka (Pan-Africanist), waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Taliyaha Cusub ee Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia, Sarreeye Guuto Michael Kabango oo la hadlay Wrabaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Xilkaasi, isla markaana uu ku sii jeedo dalka Somalia.
In ka badan 6,00 oo Askar u dhalatay dalka Uganda ayaa waxay qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM, waana ciiddanka ugu badan ee qeybta ka ah Hawlgalkaasi.