Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in Magalada gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug uu gaaro wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed  Bashiir Cabdi Maxamed(Ameeriko) iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating iyo Xubno kale.
Wafdiga taliyaha Booliska iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa ay booqan doonaan Xerada ay ku sugan yihiin Ciidamada isku dhafka ee loogu talo galay sugida amniga Gaalkacyo iyo Xarumo kale.
Sidoo kale waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Maamulka Magalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland,qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Gaalkacyo.
Qaban qaabada diyaar garowga soo dhaweynta Xubnaha Wafdiga ayaa haatan waxa ay ka socotaa Magalada Gaalkacyo,waxaana diyaar garowgaas wada mas’uuliyiinta labada maamul ee Puntland iyo Galmudug oo bilihii u dambeysay ahaa kuwo wada Shaqeeya.