Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo AS ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho.
Ciidamada ammaanka oo ka warhelay xogta weerarka ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey qaraxa ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas.
Saaka ayay ahayd markii Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qarax la qorsheynayay in lagu weeraro magaalada Muqdisho.
Gaari nooca raaxada ah oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayaa gacanta lagu dhigay ka hor inta uusan soo gelin caasimadda, iyadoo ciidamadu ay kusoo qabteen duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.