Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka ayaa degmada Guricel ee gobolka Galgaduud uga qayb galey munaasabad uu xilka kula wareegayey taliyaha cusub ee guutada 15-aad Col. Maxamuud Yaasiin oo xafiiska uu maanta ku wareejiyey taliyihii ka horeeyay G/le Fitaax Haruuse.
Xil-wareejinta oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil kale duwan oo uu kamid yahay taliyaha Ururka taliska qaybta 21aad Col. Cilmi Ciise Maxamed ayaa lagu amaaney labada sarkaal ee is badashey shaqsiyadooda, iyo sida looga fadhiyo taliyaha cusub in uu halkii kasii wado howsha socota ee xoreynta dalka.
Taliyaha cusub ee guutada 15-aad Col. Maxamuud Yaasiin ayaa balan qadaay in uu sii wadayo howlaha shaqo ee guutada, gaar ahaan xoreynta dalka iyo doorka derder gelinta dhameystirka wajiga koowaad ee xoreynta deegaanada Galmudug.