Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay magaalada Muqdisho ku yeesheen kulankoodii todobaadlaha ahaa oo khamiis kasta ay yeeshaan, waxaana shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.
Kulanka Maanta ee Golaha Wasiirada oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyihii ciidamada Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, iyagoona Golaha Wasiirada magacaabay Taliyaha cusub ee Booliska.
Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo bedelaya Taliye Xijaar oo xilkaas haayay sanno badan, uuna u magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo.
Sulub Axmed ayaa horay u ahaa wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Maamulka Jubbaland.
Xilka qaadis Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ku jirto xaalad amamaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah, oo uu danbeeyay weerarkii maalmo kahor Al-shabaab ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.