Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa lagu magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin oo hadda ahaa Taliyihii Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka dowlad Goboleedka Galmudug.
Taliyaha cusub ee Mahdi Cumar ayaa bedeli doona Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole oo lagu dilay qarax lagula beegsaday deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Si kastaba, Taliye Mahdi Cumar ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ugu horreysay wax ka qabashada amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo xiliyada qarkood ka dhacaan falal amni darro.